Dhageysiga Dacwada 10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ku eedeysan Musuq maasuq oo ka socota Maxkamada Gobolka Banaadir.
Dadkaan ayaa waxaa ka mid ah Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud oo dhawaan xabsiga laga sii daayay.
Waxaa loo heystaa eedeymo ku saabsan lunsashada hantida dadweynaha, gaar ahaan markii uu bilowga ahaa Cudurka Corona virus.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilihii lasoo dhaafay wajaheysay wahwareer ka dhashay xiritaanka Shaqaallaha iyo sidoo kale agaasimaha Guud xilli xaalad adag uu dalku ku jiray.