Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta gareen madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay, magaaladda Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan howlgallo, kuwaas oo la isugu furi doono wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ka tirsan gobolka Bakool
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegay in qorshahan uu yahay mid loogu tala galay, sidii Al-Shabaab looga saaari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koofur Galbeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in si deg deg ah ay u bilaabi doonaan hawlgalladaasi.
Hadalka madaxweyne Lafta gareen ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan uu sheegay in howlgal la isugu furi doono wadooyinka xiriiriya magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.