Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saraakiisha maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen Afqanistaan iyo in kale.
Amarkan madaxwayne ayaa u ogolaanaya Mareykanka inay xayiraan hantida shaqaalaha maxkamada caalamiga ah ee ICC islamarkana ka hor istaagaya in ay Mareykanka soo galaan.
Baaritaanka maxkamada ICC ayaa bilaabmay ka dib markii warbixin hordhac ah lagu ogaaday inay jiraan sababo lagu rumaysan karo in dambiyo dagaal ay dhaceen.
Mr Trump ayaa marar badan cambaareeyay maxkamada islamarkana waxaa uu su’aal galiyya madaxbanaanideeda.
Mareykanka ka mid aha saxiixayaasha cahdigii lagu dhisay maxkamada ICC ee fadhigeedu yahay Hague, islamarkana ma aqoonsana awoodda ay maxkamada u leedahay inay dacwad ku qaado muwaadiniinta Mareykanka.
Khamiistii, wax yar uun ka dib markii amarkan madaxwaynaha la saxiixay ayuu xoghayaha arrimaha dibadda, Mike Pompeo waxuu sheegay in Mareykanka “aysan u hanjabi Karin maxkamad aan rasmi ahayn”.
Waxaa uu intaa ku daray in cunaqabatayntan ay xitaa qeyb ka noqon karaan xubnaha qoysaska saraakiisha Maxkamada in laga hortago inay Mareykanka soo booqdaan.