Magaalada Jibuuti ee wadanka Jabuuti waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliland,waxaana shirkaasi martigelisay Dowladda Jabuuti.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweyne farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka Soomaaliland ay ka socdaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubno la socda,Safiirka Mareykanka ee Somaaliya, Wakiilo ka socda midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka ayaa dowladda Jabuuti uga mahad celiyay doorka ay ka qaadaneys isku keenida Midnimada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Jabbuuti ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM,kuwaas oo uu sheegay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in dadka Reer Jabuuti ay jecel yihiin iskaashiga dalalka Afrika,isla markaana ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiirigelin iyo walaalnimo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay inay garab istaagto Dowladda soomaaliya iyo inay wadaagaan dhib iyo dheef,sidoo kalena ay noqdaan dad isku duuban si loo soo celiyo sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya.
Madaxda Soomaaliland dhankeeda ayaa la filayaa inay khudbadahooda jeediyaan,waxaana weli si rasmi ah loo soo bandhigin ajandaha rasmiga ah ee shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliland.