Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo dhaweysay wada-hadallada Maanta dalka Jabuuti uga furmay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland,kuwaas oo haatan ku sugan dalkaasi Jabuuti.
War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amaanayo hoggaanka madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi tallaabada ay qaadeen, iyada oo loo mahad celiyay Madaxweynaha Jabuuti oo kulankaasi martigeliyay.
“Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa ay soo dhaweyneysaa furitaanka wadahadalka Dowladda Somalia iyo Somaliland ee maanta ka dhacay Djibouti. Waxaan amaaneynaa hoggaanka Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana mahad leh Madaxweyne Ismael Cumar Geelle oo marti geliyay kulan taariikhi ah ayaa lagu yiri” Warka Mareykanka.
Sidoo kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay taageeri doonaan iskaashiga wanaagga dadka Soomaaliyeed, iyada oo lagu booriyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan howlaha wada-hadallada ah ee socda.
Soomaaliya ayaa shirka jabuuti waxaa uga qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraga & Guddoomiyaha Baarlamaanka, halka Soomaaliland uu uga qeyb-galayo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada.