Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta waxa uu gaaray deegaanka Bandarqaali ee Bariga Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo saakay ka amba-baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa duhurnimadii maanta si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Bandarqaali.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay soo dhaweynta diiran ay dadka deegaanka u sameeyeen, gaar ahaan waxaa uu uga mahadceliyay Gudoomiyaha deegaanka Bandarqaali, Sheekh Muxudiin Axmed.
Sheekh Muxudiin Axmed ayaa ahaa asaasihii suurtageliyay in mashaariic kala duwan laga fuliyo deegaankaasi.
Socdaalka wafdiga Madaxweynaha ee Bandarqaali oo mid booqasho uun ah ayaa dhanka kale shahaado sharaf guddoonsiyay Sheekh Muxudiin, iyadoona uu ku dhiira-geliyay shaqada in uu halkaasi ka sii wado.