Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.
Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali , isaga oo ku sugnaa Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Magalada Cape town.
Maxamed Maalin oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa xaqiijiyay dilkaas,waxaana uu sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Dalka Koonfur Afrika ayaa Bishaan Gudaheeda waxaa lagu dilay qofkii Afaraad oo Soomaali ah,waxaana todobaadkii la soo dhaafay Gudaha dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed Xasan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa si bareer ah loogu dilaa dadka Ajaanibta ah haba ugu badnaadaan soomaalida oo Ganacsiyo kala duwan ku leh,waxaana jirin cid ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo ka hadla.