Wasaarada Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wajigii labaad ee hub ka dhigista maleeshiyo beeleedyada ka bilaabay deegaanada Gobolka Galgaduud.
Labo xero ciidan oo ku taala duleedka Galinsoor iyo duleedka degamda Cadaado ayaa loo qorsheeyay in lagu xareeyo Maleeshiyada beeleedyada hubeysan, si ay uga mid noqdaan Ciidamada Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay inay guda galayaan xareynta maleeshiyaadka, isla markaana ka mid noqon doonaan Ciidamada daraawiishta Galmudug.
Howlgalka hub ka dhigista ka bilowday Galgaduud ayaa ah wajiga labaad, kaddib markii wajigii koowaad uu ka dhacay Gobolka Mudug, isla markaana la xareeyay maleeshiyo beeleedyada hubeysnaa.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo la xiriira hub ka dhigista iyo xareynta maleeshiyo hubeysan, iyadoo la mamnuucay cid aan aheyn Ciidamada Amniga Galmudug inay hub ku dhex wadato deegaanada Galmudug.
Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka jiray maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo isbaarooyin dhigan jirayay, waxaana deegaanada goboladaas ku soo noq-noqday dagaal beeleedyo salka ku haya murano dhul daaqsin iyo ceelal biyood.