Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa maanta kormeeray Xarumaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, ee laga dhisay Magaalada Muqdisho.
Xarumaha oo qaab casri ah loo dhisay ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa in ay xariga ka jaraan Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya, haddii dhismaheeda la soo geba-gabeeyay.
Goobaha uu kormeeray Wasiirka Maaliyadda ayaa kala ah Xarunta Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha Barriga, Dhismaha 2aad ee Wasaaradda Maaliyadda, Machadka Barashada Culuumta Maaliyadda iyo Xarunta Canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dhaqaalaha ku baxay dhismooyinka loo dhisay Wasaaraadda Maaliyadda Somaliya ayaa waxaa bixiyay Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Maaliyadda oo bangiyadaasi u mahadceliyay ayaa yiri “Waxa aan u mahadcelinayaa Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ka qayb qaatay dib u dhiska Xarumahan.”