Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u xil-saaran isku dubaridka Arrimaha gargaarka iyo la-socodka xaaladaha nolosha bulshada, si looga foojignaado loogana tabaabusheysto xaalado adag oo imaan kara.
Wasaaradda Arrimaha Gargaarka ayaa cardeysay in xaalada nolosha dadka reer Koonfur Galbeed ay sii adkaaneysay ilaa bilowgii bisha Abriil 2020. Xaaladahaas oo aay sababeen Coronovirus, fatahaado iyo dalaggii beeraha oo uu cunay Ayax iyo cayayaan kale.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa sheegay in Wasaaradda iyadoo qiimeyneysa xogaha aay aruurisay ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta oo bisha Juun tahay 17, 2020 in dadka reer Koonfur Galbeed u baahan yihiin Gurmad degdeg ah si looga hortago xaalada Bani’aadanimo ee adag ku soo socota.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka, Madaxda UNka iyo Hayadaha Samafalka iney si degdeg ah gurmad u soo gaarsiiyaan shacabka reer Koonfur Galbeed, iyadoo laga jawaabaayo digniinta aay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin ee Koofur Galbeed.