Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay la kulmeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa in Guddiga laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddiga Arr. Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golahaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa su’aalo dhowr waxaa ay weeydiiyeen Guddiga, iyada oo kulanka uu kusoo dhamaaday si is afgarad ah.