Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax maanta barqadii ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.
Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa ahaa miino dhulka la geliyay, waxaana gaariga uu la socday Taliye kuxigeenkii hore ahaa kuwa ciidanka saaran yihiin oo aan xabada karin.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga la socday Taliye kuxigeenka uu ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, markaas kadibna ay qaraxday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu haleelay mooto bajaaj wadada mareysay, waxaana ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay.
Qaraxyada Miino ee dhulka lagu aaso ayaa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay Muqdisho, waxaana lala beegsanayay gaadiidka ciidamada iyo saraakiisha saaran yihiin, waxaana u dambeeyay qarax miino oo labo jeer lala eegtay Jen. Cali Gaab oo ka tirsan Hoggaanada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.