Wasiirka Maaliyadda & Iskaashiga Dhaqaalaha ee Itoobiya, Ahmed Shide ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, xilli uu siday agab caafimaad oo loogu talagalay la dagaalanta COVID-19.
Agabka ayaa isugu jira afuufka sanka iyo afka lagu xirto, gacmo gashi iyo agab kale, kuwaa oo loogu talagalay in lagaga qayb qaato dadaalada, ay tahay inay Somaliya ku xakameyso faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.
Diyaarad siday wafdiga Wasiirka Maaliyadda Itoobiya iyo agabkaasi caafimaad ayaa gelinkii dambe ee maanta ka soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa agabkaasi waxaa uu ku wareejiyay Sarkaal ka socday Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee Dowladda Somaliya.
Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ayaa waxa ay maanta kala wareegtay agab caafimaad oo loogu talagalay la dagaalanka COVID-19, wafdi ka socday wadanka Ethiopia, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Ethiopia.”
Waa socdaalkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah uu Wasiir Shide ku yimaado Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu xilkaasi u magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, 16-kii bishii October ee sanadkii 2018. Shide ayaa ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida.