Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.
Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ah Mas’uuliyiin ka socda Hay’ada gargaarka dalka Qatar iyo xubno kale.
Axmed Madoobe iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan sida adeegyada horumarineed ee Qatar ka fulineyso Soomaaliya, iyo kuwa ay ka fulin doonto Jubbaland, waxaa la isku raacay in la dardar galiyo Mashaariicda dhiman ee mustaqbalka dhow, gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.
Qatar ayaa hada u muuqata inay wax ka bedeleyso siyaasaddeeda Soomaaliya, marka loo eego saddexdii sano inay si weyn u taageereysay Villa Somalia, waxaa albaab cusub u fureysa sidii maamul goboleedyada ugu dhowaan laheyd.
Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horay ugu eedeeyay Qatar inay dhaqaale ku bixiso dagaalka siyaasadeed ee dowladda Federaalka ku heyso maamul goboleedyada.