Waxaa jira dhalinyaro badan oo xiligaani shaqo la`aan ku ah magaalada baydhabo ee xarunta gobolka kuwo kalena qaarkood, Waxey ka xoogsadaan ama ay ka shaqeyaan baararka ku yalaan magaalada baydhabo iyagoo lacagta ay ka helaan ay ku mareyaan nolasha qoyskooda iyo kuwo kale oo shaqo abuur ay u noqotey.
Cabdifitaax sheekh waxaa uu ka shaqeyaa baarka barwaaqo oo ku yaala afar irdoodka magaalada baydhabo mudo sanado ah ka hor wuxuu ahaa qof baaga muundo ah maheysan lacag uu ku shaqeysto xiligaasi balse markuu shaqo ka bilaawey baarkaani ayaa wuxuu yeeshey reer wuxuuna hada lacagta uu ka qaato baar barwaaqo ku bishaar qoyskiisa iyo qaar kamid ah oo uu ku iibsadey xoolo si hadhow baxsidkiisa ugu dhigto.
Xasan Aadan helida shaqada baar barwaaqo wuxuu ku tilmaamey in ay tahay shaqo oo uu ku qawoowey lacagna uu ku sameystey, waqtigiisa hore wuxuu siyey shaqada baarka gelinka dambena haduu fursan ama nasiinyo u helo waxaa uu sheegey in uu fadhiisanaayo miis yar uu leeyahay mararka kalena uu ku dhaafo wiil asiga la dhashey.
Shaqooyinkaani bararka ah dhalinyarada qaar waxey u arkaan shaqo fudud oo ay ku hormarin karaan nolashooda madaama dhalinyaradu ay ku adag tahay in ay helaan shaqooyinka kale.