Hal Askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska dalka New Zealand ayaa ku dhintay, halka mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii ay rasaas fureen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad.
Falkan ayaa dhacay kadib markii ciidamada Booliisku ay isku dayeen in ay baadhaan, baabuur ay la socdeen koox burcad ah, kadibna ay kooxdii bilaabeen in ay toogtaan Askariga dhintay, halka mid kalen uu dhaawac ka soo gaadhay, kadib markii ay rasaastu haleeshay.
Hawlgal kooban oo ay sameeyeen Booliiska dalkaasi, ayaa waxa ay sheegeen in ay labo ruux ku soo xidheen, maadaama guryahiida ay ka haleen hub sharci darro ah, sida ay sheegeen laamaha amniga.
Booliiska dalkaasi ayaan shaacin in labadani ruux ay yihiin kooxdii burcadda ahayd ee falkan gaystay iyo inkale.