Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay maanta dalka ka diiwaangelisay xaalado cusub oo dhimasho ah, oo ka dhashay xanuunsidaha COVID-19, ee uu Coronavirus keeno.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxay goor dhow ka warantay xaaladaha dalka oo dhan laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.
Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in dalka laga diiwaangeliyay 24 xaaladood oo hor leh, kuwaa oo 15 ka mida laga helay Somaliland, iyadoo Puntland laga xaqiijiyay 6, halka 3-da kalana laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay korodhay xaaladaha dhimashada, ka dib markii dalka laga diiwaangeliyay laba kiis oo dhimasho ah, saacadihii ugu dambeeyay, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 90 qof.
Bukaanada cusub 18 ka mida waa rag, 6-da kalana waa dumar. Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa xanuunka ka bogsaday 31 qof.
Bukaanada guud ee gudaha dalka laga diiwaangeliyay ayaa waxay wadartoodu isu noqonaysaa 2,779 bukaan, sida ku cad jadwalka maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.
Sidoo kale tirada guud ee xanuunka ka bogsatay ayaa waxay haataan gaartay 782, inkastoo dadka weli xanuunka la ildaran ay tiradoodu tahay 1,907 qof.
Dad hor leh oo Coronavirus ugu dhintay dalka
previous post