Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay, 48-kii saac ee la soo dhaafay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in dalka laga diiwaangeliyay 36 xaaladood oo cusub, kuwaa oo laga kala xaqiijiyay Jubbaland, Banaadir iyo Somaliland.
29 ka mida bukaanada cusub waxaa laga diiwaangeliyay deegaanada Somaliland, iyadoo 4 xaaladood laga diiwaangeliyay Jubbaland, halka 3-da kalana laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir.
Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Caafimaadka, 30 ka mida bukaanada cusub waxaa weeye lab, halka 6-da kalana ay dhedig yihiin.
Sideed iyo afartankii saac ee ugu dambeysay waxaa xanuunka ka bogsaday 27 qof. Wadarta guud ee xanuunka ka bogsatayna waxaa ay gaareysaa 751 qof.
Jadwalka Wasaaradda Caafimaadka waxaa ku cad inaanan dalka laga diiwaangelin wax dhimasho, waxayna noqoneysaa maalintii lixaad, oo kiis dhimasho ahi aan laga soo warin gudaha dalka, walow ay horey ugu geeriyoodeen dad gaaraya 88 qof.