Qaraxyo mataano ahaa ayaa xalay ruxay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ay ka dhasheen.
Qaraxyada oo ahaa miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay afaafka hore hoyga uu xaafadda Muuri ee Degmada Wanlaweyn ka degan yahay Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan.
Qaraxyada oo dhawr daqiiqo ay u dhaxeeyeen ayaa kii labaad waxaa lala bartilmaameedsaday dad u soo gurmaday dad kaloo ku waxyeeloobay qaraxii koobaad, waana kan khasaaraha ugu badan uu ka dhashay.
Inta laga warqabo waxaa ku dhimatay qaraxyadaasi saddex qof, halka shan kalana ay ku dhaawacantay, inkastoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.
Maxamed Cabdulle Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wanlaweyn oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hoyga qaraxyada lala beegsaday uu degan yahay nin lagu magacaabo buu yiri Madey Baale, oo ah Taliyaha Ururka 54aad ee Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay xilligii uu weerarku dhacayay in Sarkaalkaasi uu ka maqnaa hoygiisa, baaritaano ay sameeyeena ay dhawr qof ugu soo qab qabteen qaraxyadaasi.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta warsan u sheegay in qaraxyada ka dib, ay maqleen rasaas xoogan, oo ay ridayeen Ciidanka Ilaalada ee Sarkaalka hoygiisa la weeraray.
Waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxyada caawa gilgilay Degmada Wanlaweyn, ha yeeshee waxaa si dhow loola xiriirinaya Ururka Al Shabaab.