Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay maanta markale dhaliilo adag u jeediyeen Dowladda Federaalka Somaliya, ka dib markii ay sheegeen inay ku fashilmatay hannaanka geedi-socodka doorashada.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in Dowladda Federaalka ay ku fashilmatay inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod, oo waqtigeedana ku qabsoomta.
Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Axsaabta Mucaaradka ayaa waxay Baarlamaanka Somaliya ugu baaqeen inaanay ansixin qodobadii ay soo saareen Guddigii Wadajirka ee Labada Aqal, ee ku aadanaa asteynta kuraasta, Maqaamka Gobolka Banaadir iyo weliba kuraasta Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Madasha Xisbiyada Qaran waxaa ay soo jeedisay in la isugu yimaado kulan deg deg ah, oo ay tahay in looga tashado arrimaha doorashooyinka dalka, si mowqif mida looga qaato.
Warsaxaafadeedka Madasha oo 7 qodob ka kooban halkan ka akhriso