Maxkamada Ciidamada Qalabaka sida qeybta 27aad ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqda inay dacwad ka gudbineyso Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maxkamadu sheegtay in Ciidamada xoogga dalka uu ka been sheegay.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Xildhibaanka uu Ciidamada dowladda ku sheegay inay ka qeyb qaateen dagaal Beeleed degaano hoosyimaada Magaalada Beledweyne.
Waxaa uu sheegay Xeer ilaaliye kuxigeenka in dacwad ka dhan ah Xildhibaanka ay dhawaan ka gudbin doonaan,sidoo kalena arrintaan ay gaarsiiyeen Madaxda Sare ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay Maxkamadda Ciidamada tagtay degaannadii lagu dagaalamay,isla markaana baaritaano ay sameeyeen aysan jirin Ciidamo ka qeyb qaatay dagaalkaas.