Qoraal kasoo baxay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay kulankaas, waxayna Qaramada Midoobay madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ku amaantay qabsoomidda kulankaas.
“Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka – Qaramada Midoobey waxay ku ammaaneysaa Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee wadahadalka caadiga ah ee ku saabsan mudnaanta, daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta” ayaa lagu yiri qoraalka.