Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladaha Hose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Degmada Qanshaxdheere ee Gobolka Baay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Qanshaxdheere loogu Magacaabay Saalax Sheekh Cabdullaahi.
Guddoomiye ku-xigeenka Cusub ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga Degmada Qanshaxdheere ee Gobolka Baay.AKHRISO
Magaacista Guddoomiye Saalax Sheekh ayaa timid, kadib markii uu talo soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.