Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar kamid ah senatorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayay kaga soo horjeesteen warqadda kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ee waxba kama jiraan loogu sheegay xeerarka 4-ta ah oo laba kamid ah ay meel mariyeen Golaha Shacabka midna uu socdo dooddiisa.
Xeerarka ay meel mariyeen Golaha shacabka ah ayaa kala ah xeerka qoondada haweenka iyo xeerka asteeynta kuraasta gobalada waqooyi, waxaana socda dooddiisa xeerka matalaadda Gobolka Benaadir.
Senator ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta kulanka ay yeesheen kaddib ayaa waxa uu sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah maadaama guddoonnada labada aqal ay si wadajir ah u magacaabeen guddiga isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka 28-ka bishii Febaraayo ee Sanadkaan.
Waxa uu intaasi raaciyay Senator Ayuub in Warqadda uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi aysan raalli kawada ahayn Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaaka Soomaaliya isla markaana la doonayo in lagu dulmiyo Aqalka Sare.
Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga soo diyaarinta xeerarka Sharciga doorashooyinka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Shacabka Soomaaliyeed ay u sheegayaan in xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bil ka badan ay socotay diyaarintiisa.
Senator Jawaahir ayaa sidoo kale sheegtay in dad dano gaar ah leh ay soo direen warqaddii kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi isla markaana aysan la qabin Warqaddaasi Guddoomiye Xaashi.
Arrintaan ayaa khilaaf waxaa ay ka dhex abuureysaa Xildhibaannada Aqalka Sare,iyada oo horay Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ee uu shir isugu yeerayay Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada uu ka horyimid Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare.