Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June, oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Khudbadda Madaxweynaha oo dhinacyo kala duwan taabaneysay ayaa soo hadal-qaaday wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, ee soo bilowday sanadkii 2012.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in shirkii London lagu heshiiyay in loo wadahadlo sida laba dowladood oo siman, illaa iyo hadana ay wadahadalada ku socdaa, sida laba dowladood oo kala ah.
“Arrinta wadahadalada. Wadahadalada waxaynu horey uga heshiinay 2012-kii shirkii London ayay gole-yaashani u ogolaadeen in la wadahadlo. Shirkaana waxaa ka soo baxay inaynu u wadahadalno anigoo laba dowladood oo siman ah. Waana tallaabadii ugu horeysay oo wadahadaladeenu ku bilaabmay. Wadahadalkeenu wuxuu ku socdaa laba dowladood oo siman, waxaana uu ku dhammaanayaa laba dowladood oo siman, wax ka yarna cidi soo qaadi mayso.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Wuxuu sheegay in lagu heshiinay inaanan laga hor-imaan karin wixii aan siyaasad la xiriirin, sida isu socodka, dhaqaalaha, cayaaraha iyo ganacsiga.
“Is dhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox cayaareysa kubadda cagta ayaaba la doonayaa inay tagto Koonfur, waa inay taggaan ayagoo Basaboorka Somaliland sita, oo Dowladda Somaliland dirtay, oo magaca Somaliland ku cayaaraya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha ayaa yiri “Koox muusik ah ayaa tageysa waxay ku tageysaa Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland ayagoo sita. Qof muraad u socda waa yeelkii, laakiin wixii hay’ad ah ama koox ahi waxay ku taggi karaan Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland. Fiiso ayay siineysaa Muqdisho, waa loogu dhufanayaa, haddii intaa la waayo cidina taggi mayso. Waayo is gaadi mayno, iyagu ma ogola inay sidaa yeelaan oo fiiso bixiyaan, waxay inoo arkaan Gobolada Waqooyiga, inaguna tab ayagoo kale tab ahee, waxaanu u aragnaa laba dowladood inaan nahay. Qof aan Basaboorka Somaliland loo fiiseyneynin isu taggi maayo.”
Madaxweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ma xiri karno lacagta iyo ganacsiga is dhexgalay, ma xiri karno qofka sodogii soo siyaaranaya, qofka qof buka u tagaaya ama qof shakhsiya muraadkiisa u tagaaya. Iminka iyo haddeer labada dhinacba waa wada socdaan.”