Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa maanta meel mariyay sharci ka hor imaanaya xukuumadda Shiinaha.
Sharcigan ayaa ah mid si gaar ah uga hor imaanaya dhaqaalaha dalka Shiinaha, kaas oo Mareykanku uu cunaqabatayn ku saarayo Shiinaha.
Inkasta oo sharcigan hadda ay meel mariyeen golaha Aqalka Wakiillada Mareykanku, ayaa haddana waxa uu yahay mid sugaya in uu saxiixo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
Haddii uu saxiixa madaxweynaha, isla markaasina uu dhaqan galo ayaa waxa uu u muuqdaa mid caqabad ku noqon kara Shiinaha.
Sidoo kale waxa uu dhaqan galka sharcigani noqon karaa mid cirka ku sii shareera, dagaalka qabow ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka.