Ciidaamda Booliska Somaliland ayaa maanta albaabada isugu laabay Xarunta Telefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa, iyagoona la wareegay.
Ciidamada Booliska ayaa duhurnimadii maanta xafiiska ka dareeriyay Shaqaalaha TV-ga. Ciidamada ayaa gudaha u soo galay xafiiska, shaqaalihii oo hawshooda ku guda jira.
Agaasimaha Xarunta Universaltv ee Magaalada Hargeysa, Maxamed Diiriye Meecaad ayaa sheegay in xarunta la xiray, iyadoo aysan jirin warqad maxkamadeed, oo loo keenay.
Agaasimaha oo ka xog waramay wixii maanta dhacay ayaa yiri “Anagoo ku jirno warkii abaare kowda iyo dheeraad ayaa waxaa noo yimid Ciidamada Somaliland, oo runtii iyagoo aan waxba noo sheegin, warqad maxkamadeedna oo ay wateen ayna tuseyna jirin ayay soo galeen xarunta, warkii bay joojiyeen. Shaqaalihii inta la uruuriyay ayaa dibadda la isugu keenay, waxaa nagala qaaday moobeelada, cabaar baa meel nalagu haayay.”
Meecaad oo la hadlay BBC ayaa yiri “Waxaan weydiiyay maxaa dhacay oo jira, ileen haddii meesha la xiraayo waxay ahayd inaad maxkamadda soo martaan, idinkoo sita warqadda maxkamadana noo timaadaan, waxay yiraahdeen waxaa na soo dirtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo tiri ruqsaddii baa lagala noqday TV-ga. Laga bilaabana saacaddaa TV-ga wax shaqo ah ma qaban karo.”
Maalin ka hor ayay ahayd, markii Booliska Somaliland ay xoog kula wareegeen Xaruntii Dhexe Telefishinka Star ee Magaalada Hargeysa, iyadoo aanu maamulku sheegin sababta loo cuskaday xarigsa TV-gaasi.
Booliska Somaliland oo la wareegay Xarunta Universaltv ee Hargeysa
previous post