Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu waddaa in ay dhameystiraan xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen.
Xeerka Matalaada gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka mid yahay kuwa maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka yeesheen dood adag.
Guddiga xeerka doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga dhigay 7 ruux, taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen Xildhibaano badan.
In ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan.