Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Illaa 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare , halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Muddooyinkii dambe xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood kaliya gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.