Ku dhawaad afar bilood waxaa hakad ku jiraa isticmaalka diyaaradaha dibada iyo kuwa gudaha bilaawashadii cudurka Covid 19 taasi oo loo joojoyey faafitaanka cudurkaasi oo dalal badan si aad ah ugu faafey.
Markaan kahadalno dalka soomaaliya Waxaa yaraadey safaradii loo adaayey magaalooyinka madaama inta badan dadka ay ku safari jireen diyaarado, dadkii inta badan diyaaradaha ku aadi jireen magaalada muqdisho ayaa hada waxey u badteen in ay ku safaraan gadiidka aada magaalada muqdisho madaama lawaayey diyaaradihii.
Xasan Cabdi waxaa uu ka mid yahay daraawalada ka shaqeysa wadada isku xirta magaalada baydhabo iyo magaalada baydhabo waxaa uu ugu horeyn noo sharxayaa inta aan lajoojinin diyaaradaha sida ay u shaqeyn jireen.
Daraawal Xasan Cabdi ayaa waxaa uu sheegey hada inta lajoojiyey diyaaradaha ugu yaraan in gadiidka adayaan magaalada muqdisho ay garayaan ku dhawaad 25 gadiid iyo ka badan dhaqaalo ku filana ay ka helayaan.
Sidoo kale Xasan waxaa uu kahadley dhibaatooyinka ay lakulmaan xiliyada ay ku jiraan safarada iyo madaama wasaaradaha caafimaadka ay ku taliyeen in layareeyo isu imaanshaha iyo bedelka ay ku soo kordhiyeen dadka ay qadeyaan.
BY: Siid Cali Muuse (Ateera)