Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.
Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo mas,uuliyiin kale.
Kubaddii u horeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday, sidoo kale Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka dib u dhiska Garoonka Stadium Muqdisho.
Garoonka Stadium Muqdisho ayaa ka mid ahaa goobihii ku burburay dagaalada, waxaana 13-kii sano ee u dambeysay aheyd goob ciidan, sida Al-Shabaab oo mar ay gacanta ku hayeen sanadihii 2009-kii illaa 2012, sidoo kale Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa saldhig u aheyd sanadihii 2007 illaa 2009, Ciidamada AMISOM ayaa xarun u aheyd Garoonkaas tan iyo sanadkii 2012 oo ay ka saareen Al-Shabaab.