Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Xeerkii ugu danbeeyay ee dhammeystirka Doorashada oo ahaa Asteynta Kuraasta.
Kulankii 12-aad ee kalfadhiga 7aad ee Golaha ayaa waxaa maanta guddoomiyey guddoomiyaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuuna fadhiga ku furmay 150 xildhibaan, iyadoo ajendayaasha ay ahaayeen:-
Sii-wadista Doodda Xeerka Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka iyo akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday oo ansixiyey Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo ay ogalaatay 144 xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 xidhibaan, halka ay diideen 4 kale.
Xeerkan oo muran badan ka taagnaa ayaa xalay la xaliyey doodo ka dhashay kuraas la xawilay oo degaanadii lagu ogaa laga wareejiyey, waxaana la isla gartay in kuraasta aan laga wareejin karin maamul Goboleedyada oo mid kale aan loo rarri karin.