Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in goobo maanta lagu dagaalamay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa militeriga Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa waxa ay kala qaadeen ciidamadii maanta ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ahaa ciidamo kala kala tirsan kuwa Nabad Sugidda iyo Haramcad.
Waxaa hadda lagu soo waramayaa in xaaladda magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid deggan, ciidamadii dagaalka uu dhex marayna la amray in ay dib ugu laabtaan xeryahooda.
Dagaalkii maata ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeyay labada ciidan ee kawada tirsan dawlada ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo shacab ahaa.
Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta .