Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed lagu qabtay Munaasabadda 1-da Luulyo, oo 60 sano ka hor Gobolada Koonfurta xoroobeen gumeystihii Talyaaniga.
1-da Luulyo waa maalin ku weyn quluubta ummada Soomaaliyeed, haddii ay ku aadan tahay maalintii ay heeryada gumeystaha iska dulqaadeen Goboladii Koonfureed, ayna israaceen Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.
Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, markii xilliga kala wareegga saacadda ay ku beegneyd 12:00am.
Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyay khudbad uu ugu talagalay Munaasabadda 1-da Luulyo, iyadoona uu umadda Soomaaliyeed ugu hamabalyeeyay 60 sano guurada ka soo wareegatay, markii uu dalkeenu ka xoroobay gumeystihii mudada dheer duljoogay.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay inaanay wax qarsoon ahayn halgankii dheeraa ee loo soo galay gobonimo-doonka dalka, iyadoo dhalintii xilligaa dalka u kacday ay ka xorooyeen gumeystihii buu yiri Soomaali kala qaybiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho ka jeediyo khudbadda uu ugu talagalay 60 guuradii ka soo wareegatay madaxbannaanida dalka.