Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo caawa ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 60-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed ay xornimada ka qaateen Gumeystihii iyo Midowgii Gobolada Waqooyi iyo Koofur ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadeed.
Saciid Deni ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo baaqii Baarlamaanka Puntland ee ku saabsanaa in aanu ka qeyb gelin Shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee 5-ta bisha July ka dhici doona Muqdisho, ee dhex maraya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
“Waxaa soo dhoweynayaa Baaqii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland, waxaa ku shaqeyn doonaa taladooda, anigoo ixtiraamaya hey’adaha dastuuriga ee Puntland”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo boor isku qarinta uu sida xun wax u doonayo oo aanu iska horkeenin Shacabka walaalaha iyo Xildhibaannadii fursada siiyay inuu Madaxweynaha ku noqdo.
Waxaa uu sheegay inuu socdo ifafaalo ku aadan in la doonayo in la baabi’iyo Aqalka Sare, Federaalka, iyo in la maroorsanayo taladii dalka si la mid ah sidii lagu majaxaabiyay dimoqraadiyadii Soomaaliya 1969-kii.