Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Boondhere, kaas oo 24-Kii Bishii Apriil xilli habeen ah Magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.
Askariga oo lagu Magacaabo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa waxaa 1-dii Bishii Ramadaan uu agagaarka Isgoyska Jubba, iyada oo uu Magaalada Bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.
28-kii Bishii June ayay bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heystay askarigaas labada qof ku dilay Magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Maanta Khamiis ah ay maxkamadda Ciidamada go’aan ka gaartay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in kadib markii Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ay ku cadaatay dambiyada loo heystay ee ahaa dilka maruumiinta kala ah Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi lagu xukumay dil toogasho