Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir written by Admin 03/07/2020 Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir was last modified: July 3rd, 2020 by Admin 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) next post Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 06/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 22/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/08/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 11/11/2017 Duqeyn iyo dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Barri 22/07/2020 Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda 14/07/2021 RW Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha 17/09/2021 WARSAXAAFADEED WADAJIR AH BEESHA CAALAMKA: GO’AANNADII UGU DAMBEYSAY EE GOLAHA AMNIGA QARANKA WAA TALLAABOOYIN SOO DHOWEYN MUDAN OO LOO QAADAY DHANKA SAXDA AH 15/02/2018 Dhageyso; Barnaamijka Kulanka Warsan 24/09/2023 Madaxweyne Farmaajo oo kulan kula qaatay madaxtooyada Wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxda Dowladd Goboleedyada 21/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.