Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa waxay ka hortimid ereyga loogu yeero dhinacyada siyaasadda dalka, ee ah Saamileyda Siyaasadda.
Waxay sheegtay inaanu jirin wax la yiraahdo Saamileyda Siyaasadda, haddii kale uu macnaheedu noqonayo in qofka uu iibsaday amaba uu saami ku leeyahay siyaasadda.
“Horta Saamiley Siyaasadda ma jirtoo ‘Share Holders’ ma’ahanoo siyaasadda lama gadanin. Dadku waa daneynayaa siyaasadda. Danley waxaa waaye Daneeye-yaasha Siyaasadda, Saamiley ma’ahan.” Ayay tiri Xaliimo Yarey.
Xaliimo Yarey ayaa markale tiri “Saamileyda Siyaasadda haddaad dhahdid waxaa waaye ‘Share’ buu ku leeyahay qofka siyaasadda, oo wuu gatay, marka waan u saxayaa akhristayaasha intaas ha qaataan.”
Xaliimo Yarey ayaa codsatay inaanan Guddiga Madaxdabanaan ee Doorashooyinka Qaranka loogu yeerin Guddiga Xaliimo Yarey, haddii guddigu uu xubno badan ka kooban yahay.
“Waxaan madaxda, dadweynaha iyo inta Somaliya daneyneysa ka codsanayaa Xaliimo Yarey, guddigeeda inaanan la dhihin. Guddigaas waa Guddiga Doorashada Madaxabannaan oo soo wada shaqeeyay, oo isa soo wada garabsaday, oo go’aanka soo wada gaaray, meeshaasna soo gaarsiiyay. Ma’ahan Xaliimo keliya.” Ayay tiri Xaliimo Yarey oo hadalkan ka sheegtay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC, oo ay ka qayb qaadaneysay.
Ka dib markii 27-kii bishii June ay Xaliimo Yarey, Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor sheegtay inaanan doorashada lagu qaban karin xilligeeda ayaa waxaa soo badanayay dadka ugu yeeraya Guddiga Xaliimo Yarey in uu ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday.