Doorashada hoose ee magaalada Tokyo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay bilaabato, iyadoona guddoomiyaha magaaladaasi ay rajo ka qabto in dib loo doorto.
Haweenaydan madaxda ka ah magaalada caasimadda ah ee dalka Japan ayaa ah qofkii ugu horeeyay oo dumar ah oo jagadaas loo doorto, iyadoo loo arko inay si weyn ugu dhawdahay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shinzo Abe.
Doorashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli dalka Japan uu kamid yahay wadamada sida weyn ula tacaalaya kiisaska cudurka Coronavirus.
Kooke oo ah 67 sano jir ayaa sheegaysa inay haddii dib ladoorto ay wax weyn u qaban doonto 14-ka milyan ee magaaladaasi ku nool.