Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu amray in la sameeyo “Beer Qaran oo ku magacaaban Halyeeyada Ameerika” si looga difaaco waxa uu ugu yeeray “taariikhdeenna qaran ee wayn” dadka burburinaya tallooyinka tallaabo laga qaado.
Amarkiisan ayaa waxa uu dhigayaa in muddo 60 cisha ah lagu keeno qorshe dhammeystiran oo uu ku jiro deegaanka beerta laga sameynayo.
Tan iyo markii ay boolisku bishii May dileen George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysneyn ayaa waxaa dhulka la dhigay tiro taallooyin ah oo ku yaalay dalka Mareykanka.
Taallooyinka lala xiriiriyay dadkii adoonta lahaan jiray waqtigii dagaalka sokeeye ee Mareykanka ayaa si gaar ah dalka oo dhan loogu bartilmaameedsaday, kadib dibadbaxyadii ka dhashay dilkii Floyd loogu gaystay magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.