Wararka ka imanaya dalka Koofurta Kuuriya ayaa sheegaya in booliska dalkaasi ay heleen meydkii Duqa magaalada Seoul.
Duqii magaalada Seoul Park Won-soon ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin u muuqatay inuu ahaa dardaaran.
Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameeyay .
Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa,balse waxaa la aaminsan yahay in laga yaabo inuu is diley .
Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay .
Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha .
Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.
Mr Park waxaa loo doortay duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii iyadoo xilikaas loo doortay markiisii seddexaad .