Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeba ka furmaya shir ay isugu imanayaan maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo maalma kahor ku wada hadlay taleefonka, kuna ballamay inay ku shiraan Galmudug.
Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirkaasi qabsoomo,hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira Madaxda Dowlad goboleedyada oo waqtigii loo baahnaa aanan tegin Magaalada Dhuusamareeb,balse dhamaantood ay haatan ku wada sugan yihiin halkaas.
Shirkan oo uu martigelinayo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay maalma kahor waxaa lagu sheegay in uu yahay shir degdeg ah oo looga arrinsanayo doorashooyinka, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirta xaalad siyaasadeed, guddiga doorashooyinkana ay baarlamaanka kahor sheegeen in aysan xilligan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ayna u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si ay u qabtaan hawsha dhiman.
Maamul goboleedyada ayaa la aaminsan yahay inay doonayaan in laga tal-geliyo arrimaha doorashooyinka soo socda,,waxaana ka hor shirka dowlad Goboleedyada,in kasta oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in doorashada soo socota ay waqtigeeda ku dhaceyso,isla markaana hadalkaas uu ku raacay Madaxweyne Farmaajo.
Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo shirka ka qeyb-geli doona ayuusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin dowladda federaalka, waxaana la saadaalinayaa in shirkan looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, maadaama inta badan waxyaabaha y isku hayaanay yihiin arrimo siyaasadeed.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo ay wataan Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa Dhusamareb ku booqday Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo uu martigaliyay.
Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo loogu diyaar garoobayo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee la filayo in uu saacadaha soo socdo ka furo Magaaladaas.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo uu martigaliyay.,kuwaas oo shirka ka qeyb-geli doona.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan qabsoomida shirka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Shirka uu qabsoomay doono Jimcaha Maanta,isla markaana ay sidoo kale dhaceen shirar gaar gaar.
Wasiirka Dekadaha Galmudug Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhankiisa sheegay inay u diyaar garowday Galmudug qabsoomida Shirka,sidoo kalena ay rajo ka qabaan inay wax wanaagsan kasoo baxayaan.