Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo hanaanka ugu muhiimsan bulshada Soomaaliyeed ee ah in Afartii Sanaba Mar la qabto doorasho.
Waxaa uu sheegay in shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka uu yahay mid muhiim ah oo ay ku tashanayaan Aayahooda.
“Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maanta taal ee kala guurka ah sidii looga gudbi lahaa, waa wax mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku xiran, waa wax dowladda Federaalka ee aan xubnaha ka nahay dan u ah wax aan ka shaqeyneyno waa wixii nidaamka Federaalka inoo ogolaa”ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Waxaa uu ammaan u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay qabatay wax wanaagsan uuna aamin yahay Go’aankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ee doorashada.