Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool malahan beero ka soo go`aan qudaarta markii laga reebo kuwa yar yar ee ka laga keeno xaafad kamid ah degmada xudur ee lagu magacaabo xaafada buulow sidaasina ay tahay kuma filna shacabka ku nool degmada xudur.
Inta badan qudaarta iyo bagaashaka ii lagu iibiyo degmada xudur waxey ka soo galaan degmada beledweyne ee gobolka hiraan bishiima maalmo kooban iyo kuwo lasoo saaro diyaaradaha oo ay ku ibanayaan qiimo aad u sareya.
Muumano aadan waxey ka mid tahay haweenka qudaarta iyo noocyada kale ee rashiinka ku iibisa suuq weynaha degmada xudur mudo ku dhow 30 sano waxey sheegtey in wax faa`ido ah looga heleynin iibinta qudaarta madaama si qaal ah ku imanayaan degmada sidaasi ay tahay ayey waxey tilmaantey in kaliya lagu mareeyo nolasha.
Shacabka ku nool gobolka bakool ee koonfur galbeed waxey is kugu jiraan dad xoolaha dhaqdaan iyo kuwo kale oo ku tiirsan beerashada dalagyada kala duwan sidaasi darteen waxaa hoos udhac ku yimid helida iyo beerashada qudaarta kala duwan.