Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Mudane Amb. Dr. Cali Saciid Faqi ayaa maanta Baydhabo si rasmi ah ugu dahfurey imtixaanka fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Daahfurka Imtixanaadka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ku wehlinaayay Wasiiro, iyo Xildhibaano katirsan Dowlad Goboleedka KGS.
Tirada Ardeyda maanta Degmooyinka KGS imtixaanka Fasalka 8-aad ufadhisatey Nasiibka u heley ayaa waxaa ay gaareyaan 6,220-ardey .
Ardeyda Imtixaanka maanta ufadhiistey ayaa ahaa kuwa ka taxdirayay khatarta Cudurka Safmarka ah ee Covid-19, kaa oo wasaaradda waxbashada KGS ay kala shaqeeysay Wasaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka KGS.