Madaxda dowlad goboleedyada ayaa shirar gaar gaar ah oo albaabada u xiran uga bilowday xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb, kaddib furitaankii ee Shirka Wadatashiga oo ahaa mid Madaxda khudbado dhinacyo kala duwan taabanayay ay ka jeediyeen.
Kulanka dhexmaray ayaa ah kan rasmiga ah ee Madaxda dowlad goboleedyada si gaar ah ay uga hadlayaan arrimaha horyaala sida marxalada kala guurka, doorashooyinka, dastuurka iyo arrimo kale.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in shirka Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka uu wehliyo shirar kale oo gaar ah oo ay yeelanayana Guddiyo farsamo kala matalaya dhinacyadaas.
Shirka ayaa shaley ka furmay jawi ka duwan sidii la filayay, waxaana khudbadaha Madaxda ay ahaayeen kuwo dabacsan oo diblomaasiyad leh, isla markaana hal aragti ay ka mideysnaayeen madaxda maamul goboleedyada oo ahaa in doorasho dhacdo, waqtigeeda lagu qabto, isla markaana ay noqoto doorasho laga wada tashaday.
Waxaa jirta hadal heyn ku aadan in shirka lagu casuumi doono Madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee shirka ka furmay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu muujinayaa in Maamul goboleedyada ka faa’ideysteen fursad ay dayacday dowladda Federaalka, gaar ahaan hoggaanka dalka oo u muuqda inay maareyn waayeen marxalada la galay ee kala guurka ah si looga gudbo, isla markaana doorkii hoggaamineed ka maqan tahay dowladda Dhexe.