Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka Magaalada Baydhabo.
Xaruntan oo ku taala xaafadda Bardaale ee Bariga Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka Magaalada Baydhabo, Cismaan Cali Maxamed.
Wasiirka ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, waxaana kormeerkiisan uu la xiriiray dadaalada lagu yareynayo amaba xakameynayo shilalka gawaarida, ee xilliyada qaarkood ka dhaca wadooyinka magaaladaasi.
Wasiirka ayaa intii uu kormeerkiisaan ku guda jiray waxaa uu warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka, oo uga warbixiyay qaabka ay uga hawlgalaan wadooyinka iyo sida ay ula tacaalaan, marka ay xaaladaha shilalka ka dhacaan magaalada.
Wasiirka oo ugu dambeen Warbaahinta kula hadlay Taliska Taraafikada Baydhabo ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada shaqada adag, ee ay bulshada u hayaan.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan ay Wasaaradda Gaadiidka soo saari doonto sharci, kaasoo sida uu sheegay lagula socon doono dhaqdhaqaaqa gaadiidka Magaalada Baydhabo iyo guud ahaanba deegaanada Koonfur Galbeed.
Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed ayaa xusay inay doonayaan in la horumariyo buu yiri dhanka nabadgelyada ee wadooyinka.
Wasiir Xasan Eelaay oo kormeeray Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Baydhabo (SAWIRRO)
previous post