Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmdug waxaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug,kaas oo ay uga hadlayeen Arrimo dhowr ah.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in in tii uu kulanka socday uu kusoo biiray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xalay xilli dambe ka yimid Magaalada Cadaado.
Waa markii ugu horaysay oo ay Madaxwayne Farmaajo iyo Axmed Madoobe si fool Ka fool ah isu arkaaan, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay doorashadii Axmed Madoobe waxba kama jiraan ku sheegtay,waxaana socda dadaalko la doonayo in lagu guulaysato xalinta labada mas’uul ka hor furitaanka shirka.