Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inaanay shacabka Soomaaliyeed u baahnayn cid kala qaybisa, balse ay u baahan tahay cid ka shaqeysa horu socodkeeda.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uu ku booriyay inay ka shaqeeyaan midnimadooda.
Madaxweynaha ayaa qoraalka ku yiri “Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Jubbaland, waxaan mar walba iyo meel walba shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Jubbaland ku boorinayaa adkaynta midnimadooda iyo dhowrista karaamadooda.”
“Guud ahaan shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland uma baahna maanta cid ku kala qaybisa fikiro madhaleysnimo oo fadqalado abuura, ee waxay u baahan yihiin cid ka caafimaad qabta dhammaan xanuunada dib u dhiga horu kaca umadeed. Waxaana ehel u ah cid kasta oo u horseedi karta midnimo waarta, oo ay kaga gudbaan wixii shalay iyo wax kasta oo maanta keeni kara kala qaybin iyo kala qobqobid wiiqda isku duubnidooda. sababto ah marwalba iyo meel kasta waxay wax ku yihiin sii adkaynta hanka iyo himiladda midnimadooda.”
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, ka dib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.