Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Axadii indho-indhayn iyo jimicsiba u tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Dhuusamareeb.
Dhuusamareeb Stadium (Garoonka Magaalada Dhuusamareeb) ayaa heer geb-gabo maraaya dayactirkii lagu waday muddooyinkii ugu dambeysay, iyadoona dhawaan lagu wado in xariga laga jaro.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa markii dambe leyli jimicsi kula qaatay Dhuusamareeb Stadium bahda cayaaraha ee magaaladaasi.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa tan iyo Talaadadii ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, si uu uga qaybgalo shirka maalmaha ina soo aadan lagu wado in uu uga furmo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.